Uncategorized

Shabaab oo xukun qisaas ah ku fuliyay Oday 64 sano jir ahaa, gudaha Gobolka Shabeellaha Hoose

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay in xukun qisaas ah ay ku fuliyeen nin oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmad Cali Geedi, markii ay la xiriiriyeen Dowladda Federalka Somaliya. Waxaana gelinkii dambe ee shalay lagu toogtay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab waxay soo bandhigtay cod maqal ah oo ku aadan xukunka qisaasta ah ee lagu fuliyay Axmed Cali Geedi. Qaadiga Maxkamadda Shabaabka ee Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu sheegay in odaygu uu ka shaqayn jiray Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Shabaab si rasmi ah uma sheegin goobta ay ku toogteen ninkaasi odayga ah, marka laga soo taggo in xukunka uu ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Barraha ku hadla afka Shabaabka waxaa laga baahiyay xukunka qisaasta ay masuuliyadeedu sheegatay Al Shabaab.

Shabaab waxay horaantii bishaan ay toddobo nin ku kala toogteen Gobolada Gedo, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Shabaab oo xukun qisaas ah ku fuliyay Oday 64 sano jir ahaa, gudaha Gobolka Shabeellaha Hoose

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay in xukun qisaas ah ay ku fuliyeen nin oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmad Cali Geedi, markii ay la xiriiriyeen Dowladda Federalka Somaliya.