Uncategorized

Saddex qarax iyo israsaasayn caawa laga maqlay Magaalada Verviers ee dalka Belgium

iftineducation.com – Israsaasayn muddo dhowr daqiiqadood ah qaadatay, ayaa waxaa caawa laga maqlay Magaalada Verviers ee Gobolka Liege ee Belgium-ka.




Weerarka wuxuu ka dambeeyay markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay ku dhaqaaqeen goob la sheegay, inay ku sugan yihiin dagaal-yahano Jihaadi ah.




Israsaasaynta waxaa xigtay ilaa saddex qarax oo laga maqlay aaggii ay weerareen ciidanka sida gaarka ah u tababaran.




Telefishinka Qaranka, ayaa baahiyay in weerarka lagu dilay ugu yaraan laba ka mid ah raggii la weeraray. Halka wararka qaar ay sheegayaan in weerarkaasi lagu dilay ilaa saddex nin.




Boolisku wuxuu sheegay in weli hawlgalku uu ka sii soconaayo Magaalada Verviers, dibna ay ka soo faah faahin doonaan wixii macluumaad ah.