Uncategorized

R/wasaare Cumar C/rashiid oo gef u geystay beesha Muddulood

iftineducation.com – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka baaqsaday kulan ballaaran oo Arbacadii {31-12-2014} beesha Muddulood ku qabatay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ujeedadiisa ahaa soo dhoweyn iyo maamuus loo sameeynayay magacaabista Cumar C/rashiid.


Waxaa kulankan kasoo qeybgalay Siyaasiyiin magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, Odayaal dhaqameed, culumaa’uddiin, aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo ka kala socday beelaha Soomaaliyeed, waxaana dadkii ka dhex muuqday kulanka ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed iyo siyaasiyiin kale.


Xiligii la filayay in ay bilaabato xaflada soo dhoweynta ee lagu balansanaa ayaa waxaa soo xaadiri waayay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, dadkuna uu waqtiga ku dheeraaday sidey u sugayeen, waxaana markii danbe loo cid diray xubnihii qaban qaabiyeyaasha oo wax jawaab ah ka waayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo shaqsi ahaantiisaba.


xaflad-rw-1Sidii ay goobta u fadhiyeen marti sharaftii lagu casuumay ayaa waxaa is xil qaamay oo si deg deg ah ku aaday Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, isagoo daqiiqado kadibna kusoo laabtay kulanka, wuxuuna marti sharaftii uu siiyay cudur daar ahaa in Ra’iisul Wasaaraha imaan waayay, isla markaana ay jiraan arrimo dhinaca amaanka ah sidaasina uu ugu baaqday Ra’iisul Wasaaraha.


Ujeedada uu Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqday kulankan lagu soo dhoweynayay ayaa aheyd fariin la gaarsiiyay oo lagu carqaladeynayay isla markaana lagu baajinayay kulankan ballaarnaa.






Warku wuxuu intaa ku darayaa in xubnihii kasoo qeybgalay kulanka inay tuhmayeen in baaqashada kulankan sababteeda inuu lahaa Cali Maxamed Geeddi oo aad ugu dhow Ra’iisul Wasaaraha iyo shaqsiyaad kale oo beesha Muddulood kasoo jeeda, kuwaasi oo khilaaf iyo hariiftan kala dhaxeeya qaban qaabiyeyaasha kulanka.


Marti sharaftii kasoo qeybgashay kulanka iyo qaban qaabiyeyaasha ayaa iyagoo aad ugu careysan gefka iyo hab dhaqanka Ra’iisul Wasaaraha ay ka kala dareereen Hotel City Palace, waxayna aad ugu sii caroodeen in Ra’iisul Wasaaraha uusan wax xiriir ah lasoo sameyn qaban qaabiyeyaasha kulanka oo uusan siinin wax cudur daar ah.


Dad badan oo iyagana kulanka ka qeybgalay ayaa qaba in tallaabada Ra’iisul Wasaaraha uu qaaday inay tahay mid saxan oo amaankiisa uu ku ilaalinayo, sidaasi darteedna aysan jiri karin cid xumaan ku tilmaami karta, balse ay habooneyd inuu xiriir lasoo sameeyo guddiga qaban qaabiyeyaasha.