Uncategorized

Ronaldo Oo Diyaarad Gaar Ah Ku Tagaya Xaflada Ballon d’or

iftineducation.com – Xaflada lagu bixinayo abaalmarinta xiddiga aduunka ee 2014 ayaa laqaban doona 12-ka janaayo.


Wargayska AS ee ka soo baxa Madrid ayaa shaaciyay in laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo oo ugu cadcad ku guulaysiga abaal marin taan in uu diyaarad isaga u gaar ah uu ku tagi doono xarunta ay ka dhacayso xaflada.






Ronaldo ayaa horay u wadanaya qoyskiisa iyo wakiilkiisa sidoo kale xaflada waxaa ka soo qayb galaya tababarah Real Madrid Carlo Ancelotti oo isna u sharaxan tababarihii ugu fiicnaa 2014.




Warar si hoose looga helay FIFA ayaa sheegaya in Ronaldo uu ku guulaystay abaal marinta Ballon d’or ee 2014 inkasta oo uusan ahayn war laxaqiijin karo ka hor inta si rasmi ah loogu dhawaaqayo magaca ku guulaystaha baalmarinta Ballon d’or ee 2014.