Uncategorized

Obama Iyo Cameron Oo ka walwalsan ammaanka iyo Facebook

iftineducation.com – Labada masuul ee UK iyo Maraykanka kala hor booda ayaa shir ka yeeshay ammaanka dunida iyo isbadalada xooga badan ee soconaya .
Mr Cameron ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhan looga soo jeesto kuwa loo arkey inay duullaanka ku yihiin.
Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameroon ayaa ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Mr Cameroon ayaa wadahadallo la leh madaxweyne Obama, waxaana la filayaa inay diiradda saraan arrimaha amniga.
Labada hogaamiye ayaa shaaca ka qaadi doona barnaamij cusub oo looga hortagayo weerarada dhanka inetrnetka ah ,Mr Cameron ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhan looga soo jeesto kuwa loo arkey inay duullaanka ku yihiin.
Waxa uu ku sharaxay dhacdadii dalka Belgium inay tahay calaamad kale oo muujineysa halista Dowladda Islaamka.
Waxa uu tilmaamay in lagamamaarmaan ay tahay in sirdoonka iyo laamaha kale ee amniga ay wada shaqeeyaan.
Waxaa sidoo kale ay si gaar ah farta ugu godeen Facebook iyo aaladaha kale ee Internetka heerka amniga aduunka saameynta ku leeyihiin waxaana ay ku kala duwanadeen sida loo maareen karo Aalada Facebook.
Wixii Najiita ah Kulanka labada madax kala soco wararkeena danbe.