Uncategorized

Muqdisho iyo is-dhexgal bulsho: Sawirro

iftineducation.com – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta ka qeybgalay xaflad maamulka degmada Shingaani soo qaban qaabiyay, taasoo ujeedadeedu aheyd is-dhex gal bulsho.


Mudane Muungaab ayaa sheegay in bulshada Gobolka Banaadir ku nool looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan adkeynta amaanka iyo horumarka magaalada Muqdisho oo hadda isbadallo dhan walba ah laga dareemayo.


Dhinaca kale Muungaab wuxuu xariga ka jaray afar waaxood ee degmada Shangaani oo ka mid ah degmooyinka khadiimiga ah ee gobolka Banaadir.