Uncategorized

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo maanta xukun dil ah ku riday askari dilay askari kale (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntlland, ayaa waxay maanta xukun dil toogasho a ay ku xukuntay askari ka tirsanaa Ciidanka Puntland, ka dib markii uu askari kale dilay, muddo laba bilood iyo bar laga jooggo.




Mukhtaar Abshir, ayaa wuxuu qirtay in bishii October ee sanadkii tagey uu dilay nin askari ahaa, waxayna taasi keentay in Maxkamaddu ku qaado xukun dil ah.




Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Maxkamada Ciidamada Puntland C/fataax Xaaji Aadan, ayaa wuxuu maanta xukunkaan kaga dhawaaqay Magaalada Qardho.




Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale xabsi u dhaxeeyo 5 bilood ilaa 2 sano ku kala xukumay laba askari, markii ay qirteen inay moobeelo u geeyeen maxaabiista xabsiga Magaalada Qardho.




Midka 5-ta bilood lagu xukumay, ayaa waxaa lagu sheegay caawiye la shaqayn jiray askariga kale, isla-markaana uu xabsiga ka maqnaa, markii maxaabiista loo geynaayay teleefanada.