Uncategorized

Mareykanka oo Maxkamad lagu soo taagayo Rag lagu eedeeyay Afgambi ka dhacay Wadanka Gambia

iftineducation.com – Dowladda Mareykanka ayaa ku tuhuntay in labo qof oo heysta dhalasha Mareykanka iyo Gambia ay ka dambeeyeen Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Gambia.

Papa Faal oo 46 jir ah iyo Cherno Njie oo 57 jir ayaa labaduba lagu maxkamadeynayaa dalka Mareykanka kadib markii ay gacan ka geysteen Afgambi dowladda saaxiib la ah Mareykanka.

Labada nin ayaa lagu kala maxkamdeynayaa Minneapolis, Minnesota halka Njie lagu maxkamadeynayo Baltimore, Maryland, labaduba waxay dhawaan kasoo laabteen dalka Gambia.

Madaxweyne Yahya Jammeh oo maalintii la afgambi rabay dalka ka maqnaa ayaa hadda dalka dib ugusoo laabtay.

Yahya Jammeh waxaa uu dalkaas Afgambi military ku qabsaday 1994-tii, waxaana lagu eedeeyaa in uu aad u caburiyaa mucaaradka, basle dalalka reer Galbeedka ayaa raali ka ah xukuumadda Gambia, xiriir wanaagsanna la leh.

Dalka Mareykanka waxaa jiro xeerar mamnuucaya in dadkiisa ay gacan siiyaan dad waxyeelo u geysanaya dowlado ay Mareykanka Saxiibo yihiin.