Uncategorized

Madaxweynaha Turkiga oo maalmaha soo socdo ku soo fool leh Magaalada Muqdisho iyo diyaar garow ka soconaayo

iftineducation.com – Wararka ka imaanaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in maalmaha ina soo aadan uu ku soo wajahan yahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.




Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxa uu socdaal ku marayaa saddex ka mid ah wadamada Geeska Afrika, oo kala ah Somaliya, Tanzania iyo Ethiopia. Sida ay horeyba u shaacisay Madaxtooyada Magaalada Ankara.




Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa wuxuu caawa sheegay in toddobaadkaan, uu Magaalada Muqdisho ku soo fool lee yahay Madaxweynaha Turkiga.




Afhayeenka wuxuu booqashada Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee Magaalada Muqdisho, uu ku sheegay, sidii uu xariga uga jari lahaa Isbitaalka Digfeer iyo Terminalka laga sameeyay Garoonka Aadan Cadde.




Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay wado qaban qaabo ballaaran oo ay ku soo dhaweneyso booqashada labaad, ee uu Magaalada Muqdisho ku imaanaayo Madaxweynaha Turkiga.




Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, ayaa waxay xireen tiro ka mid ah Wadooyinka Bartamaha Magaalada Muqdisho, si loogu xoojiyo ammaanka Xarunta Somaliya.




Daa’uud Aweys wuxuu shacabka Somaliyeed uu ka codsaday inaanay wax dhib ah u arkin, haddii caqabado ay kala kulmaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee xiran.