Uncategorized

Madaxweynaha Somaliya oo caawa Wasiirada Igad ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa waxay caawa Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ay ku qaabileen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka Igad, xilli galabta ay soo gaareen Caasimada.




Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo tiro ka mid ah Wasiirada xilalka haaya, ayaa xubnahaan waxay kula kulmeen Villa Somalia.




Madaxweynaha, ayaa kaga mahadceliyay go’aankooda ku aadan inay yimaadaan Magaalada Muqdisho, isla-markaana taasi Dowladda iyo shacbiga Somaliyeedba ay uga dhigan tahay guul taariikhi ah.




Madaxtooyada waxaa xilligaan ka soconaayo munaasabad soo dhaween ah, waxaana ka qayb qaadanaaya fanaaniinta iyo majaajiliistayaal caan ka ah Magaalada Muqdisho.




Wasiirada Igad ka socdo, ayaa waxaa la dejiyay Hotel S.Y.L oo ku yaala Madaxtooyada hoosteeda, waana halka la qorsheeyay in berrito uu ka qabsoomo shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Igad.




Shirkaan kii horeeyay ee Igad ku yeelato Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu qabtay sanadkii 1985-kii, waana muddo laga jooggo 30 sanadood.




Wasiirada Igad, ayaa kulankaan diiradda ku saari doono waxa u qabsoomay Dowladda Federalka Somaliya, mudadii ay jirtay iyo hawsha kale ee la doonaayo, inay ku qabato mudada 20-ka bilood ah, ee u harsan.