Uncategorized

Howgalladii Paris oo lasoo afjaray iyo dableydii weerarada geystay oo la wada dilay

iftineducation.com – Booliska dalka Fransiiska in ay soo afjareen labadii howlgal ee ka socday caasimadda dalkaasi ee Paris kadib markii ay wada toogteen dhamaan kooxihii ku lugta lahaa labada weerar ee gil-gilay caasimadda Paris.




Labada weerar oo mid uu sadex cisho qaatay islamarkaana lagu dilay 12-ruun midka kalena qaatay laba maalmood oo isna lagu dilay haweeney boolis ah ayaa waxaa lagu soo kala afjaray mid xaafadda Dammartin halka kan kalena dukaan ku yaal gudaha magaalada Paris.








Sida ay wararka horudhaca ahi sheegayaan wiilasha walaalaha ah ee reer Kouaci  Said iyo Cherif Kouachi ayaa waxaa ay xabado ku fureen booliskii meesha ay ku jireen ugu dhacay, dabadeedna iyana rasaas la huwiyay.


Horay ayay wiilashan walaalaha ahi u sheegeen in ay ku shahiidayaan howlgalkan..