Uncategorized

Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne oo saacado badan ka dib laga sii daayay xabsiga

iftineducation.com – Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), ayaa wuxuu saacado badan ka dib uu dib u helay xoriyadiisa.




Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka, ayaa waxay amartay in la soo xiro Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisii Arrimaha Bulshada Abuukar Salaad, markii ay ku eedeysay in ay masuq maasuqeen raashiin loogu talla galay Ciidanka Naafada ee Xooga Dalka.




Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne, ayaa bogga uu ku lee yahay Facebook waxa uu ku sheegay in dib xoriyadiisa loo siiyay baaritaano dheer ka dib. Gudoomiyaha wuxuu sheegay in wax dembi ah lagu waayay.




Gudoomiyaha muusan soo hadalqaadin xariga Abuukar Salaad. Sidoo kalana wax badan lagama oga in isagana la soo sii daayay iyo in kale.




Laamaha ammaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka, ayaan iyana ka hadlin sii deysmada C/qaadir Carab.