Uncategorized

Gabar Dalaaqadeeda ku iibsatay lacag waalan nairobi

iftineducation.com – Magalada nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa Wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in Meymuun cali oo ah Haweeney somaliyeed oo Ganacsi ku Leh Magaalada magadaladasi ay 6000 Doolar ku Gadatay Dalaaqadeeda.
Hadaba Haweeneydaan ayaa lasheegay ninka Furay in uu Qabay Mudda 2 Sano ah Waxa ayna u Dhashay Hal Wiil, Sida uu Kusoo waramayo Wariyaha Warbaahinta Wacdaraha.com ee Magaalada nairobi jooga,
Hayeshee Arinta Furiinka Keentay ayaa lagu sheegay in ninka uu ahaa nin Muqayil ah oo Habenkii Seq Dhexe imaanaya Hoygiisa una war Heyn waxa ay ku Sugan Tahay Xaaskiisa Iyo Cunugiisa yar.
Lakin Maymuun ayaa Reerkeeda iyo Reerka ninkeeda uu Ka Dhashay ku Wargelisa in Laga Fura Ninkeeda aan Kawar Heyn Hayeeshee ninka oo sheekadaas Lagu War geliyay ayaa ka Biya Diiday inuu Furo xaaskiisa, maadaama ay ubad isu dhaleen.
Balse xaajada oo cirka isku shareertay Buuq iyo is Jiidjiid badan ayaa la sheegay inuu sidoo Kale Ka Dhex Dhashay Labada ehel ee Wiilka iyo Gabadha iyadoo Aqirkiina ninkii Dalaaqooyinkii Laga Siistay 6000$ (Lixdii Kun) Doolar ee uu sheegtay.
Lacagahan ay Madaxeeda ku Furatay Meymuun ayaa Lasheegay ineey iyada Iska Bixisay, Maadaama ay Ganacsiya Kuleedahay Magaalada Niarobi.