Uncategorized

Gabar 10 sano jir ah oo galabta isku qarxisay suuq ku yaala Magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria

iftineducation.com – Gabar 10 sano jir ahayd, ayaa waxay galabta isku qarxisay suuq laga dukaameysto oo ku yaala Magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria.




Weerarkaan, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 16 ruux oo shacab ah, halka toboneeyo kalana la soo sheegaayo in ay ku dhaawacantay. Qaraxu wuxuu dhacay xilli mashquul uu ka jiray Suuqaas.




Booliska Nigeria, ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in gabadha is qarxisay ay xirneyd jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa.




Weerarkaan waxa uu noqonayaa noociisii labaad oo ka dhaca Magaalada Maiduguri, laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii haweeney ay isku qarixsay suuqaasi.




Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, laakiin weerarada ceynkani oo kala ah waxaa looga bartay Ururka Boko Haram, oo ka soo horjeedo Dowladda ay Qaramada Midoobe aoqonsan tahay ee Nigeria.