Uncategorized

Fadeexad: Gudoomiye degmo oo loo xiray Lunsasho gargaar baniadanimo iyo xukun adag oo lagu riday

iftineducation.com – Ku Xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Mohamed Hassan Nuur oo ka damqaday sida loo boobay Mucaawinaddii loogu talagalay Naafadda ku Curyaamay Difaaca Dalka ee ku dhibaataysan Isbitaalka Martiini ayaa xabsiga u taxaabay maanta Guddoomiyihii Deg Xamarwayne, C/qaadir Maxamad C/qaadir, iyo Ku Xigeenkiisii Arrimaha Bulshadda oo lagu eedeeyay inay iibsadeen Mucaawino ay Hay’ad Turki ah uga soo qaadeen Magaca Naafadda Isbitaal Martiini.


Xafiiska Ku Xigeenka Xeerillaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kiiskan gacantu ku haya waxay horay u xireen Ganacsataddii iibsatay Raashinkaasi, Dulaaliintii kala gadayay iyo dad kale oo ku lug lahaa arrintan, Waxayna noqonaysaa tallaabadan tii 2-aad ee xabsiga loogu taxaabo dadka ku lugta leh Musuqmaasuqan.


Gudoomiyaha Xamarwayne iyo Ku Xigeenkiisa waxay hadda ku jiraan Gacanta Booliska Soomaaliyeed iyadoo lagu soo xiray Amarka Ku Xigeenka Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr Mohamed Hasan Nuur. Waxayna sugayaan in la horgeeyo Maxkamad si loo dhagaysto Eedaymaha loo haysto.


Nadaafada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin talaabada geesimada uu qaaday ku-xigeenka xeer ilaaliyaha qaranka Dr Maxamed Xasan Nuur,iyagoona sheegay in la duudsiyay xuquuqdoodii.


Ugu dambayntii waxay Naafadda Isbitaal Martiini codsadeen in Muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku qayb qaato Difaaca Xuquuqdooda, Waxayna sidoo kale waydiisteen Shacabka Soomaaliyeed inay mar kasta xusuusnaadaan inay u naafoobeen Difaaca Sharafta Dhuleed iyo Karaamadda Ummadda Soomaaliyeeed.


Isbitaal Martiini waxay hoy u tahay Geesiyaal Soomaaliyeed oo u naafoobay Somalia, xilli ay 1977-dii ka difaacayeen Itoobiya.