Uncategorized

Dowladda oo caawa ciidan soo dhoobtay wadooyinka ku teedsan Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

iftineducation.com – Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in caawa ciidan fara baan la soo dhoobay wadooyinka soo gala, kana baxo Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.




Ciidamada, ayaa ku gaaf wareegaaya wadooyinka, iyagoo ka celinaaya gaadiidka iyo dadka kale ee doonaaya inay gudaha u galaan Xeebta Liido, oo aan ciidanka looga baran inay dadka ka celiyaan.




Maxamed Cali Warsame oo ka mid ahaa dadkii laga soo celiyay wadada gasha Xeebta Liido, ayaa wuxuu sheegay in Boolisku ay u sheegeen inay dib ugu laabtaan goobihii ay ka yimaadeen, isla-markaana aan la ogolayn inay gudaha u galaan Xeebta.




Ma cadda waxa keenay in caawa la xoojiyo ammaanka Xeebta Liido oo ku taala Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.




Maamulka Degmada C/casiis iyo Taliska Booliska ee Degmadaasi, ayaan wax war ah ka soo saarin sababta keentay in caawa dadka loo diido inay gudaha u galaan Xeebta Liido.




Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoona la xir xiray inta badan wadooyinkii ugu muhiimsanaa ee Bartamaha Caasimada.