Uncategorized

Deg:Deg: Qarax Goor Dhaw Ka Dhacay Degmada Warta Nabadda shirka igad oo….

iftineducation.com – Wararka Laga Helaayo Xaafadda Xamar Bile oo Ka Mida Xaafadaha Degmada Warta Nabadda Ee Gobolkan banaadir Ayaa Ku Waramaya in Goor Dhaw Halkaasi Uu Ka Dhacay Qarax Qasaare Dhaliyey.




Qaraxan oo ahaa Nuuca Miinada Dhulka Lagu Aasao Ayaa Waxaa lala Beegsaday Sida Wararku Ay Sheegayaan Gaadiid Ay Wateen Ciidamo ka Tirsan Amisom oo Halkaa Maraayey Gaar ahaan Isbitaalka Al-Cimra Ee Ku Yaalla Xaafaddasi.




Waxaana Warar Kala Duwan Ay Kasoo Baxayaan Qasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi, ilaa iyo Hadda Inta La Xaqiijiyey Hal Qof oo Rayida Ayaa Ku Dhintay Tira kalena Waa Ay Ku Dhaawacmeen Iyadoo Aanan La Hubin Qasaaraha Soo Gaaray Ciidamadii lala Eegtay Qaraxa