Uncategorized

Dawladda Itoobiya oo Xabsiga Dhigtay Saddex qof ay Uga Shakisay Ururka Daacish!!

iftineducation.com – Dowlada Itoobiya ayaa la sheegayaa iney Xabsiga dhigtay Saddex oo ay la Xiriirisay Ururka Daacish oo ka dagaalamaya dalalka Ciraaq Iyo Suuriya.


Saddexda qof ee Xabsiga la dhigay ayaa lagu soo eedeeyey iney doonayeen in qaraxyo ka fuliyaan gudaha dalak Itoobiya .


Ragaan ayaa sidoo kale la sheegay iney Tababar kusoo qaateen dalalka Ciraaq Iyo Suuriya oo Ururka Daacish qeybo badan oo kamid ah ka taliyo Khilaafa Ismaaliya.


Maxkamada la saaray Ragaan ayaa ku eedeysay iney ka tirsan yihiin Ururka ISIS isla markaana ay doonayeen in Urur Xagjir ah ka dhisaan gudaha Itoobiya.


Laba kamid ah Saddexda qof ayaa haysta dhalasho dalka Ingiriiska ah ,waxaana la sheegayaa iney ka yimaadeen dalkaas ay dhalashooda sitaan ee Ingiriiska.






Sidoo kale Saddexdan Raga ah ayaa lagu sheegay Magacyadooda Cali Tedros Maxamed, Maxamed Shariif Axmed iyo Maxamed Axmed ayna laba kamid ah ka yimaaden Ingiriiska.


Ruuxa Soomaaliga ah ayaa la sheegay in markiisi hore kunoolaa magaalada Hargeysa ee Somaliland ,waxaana dhammaantood lagu kala xukumay Xabsiyo u dhaxeeya min afar ilaa Todoba sano.