Uncategorized

Daawo Sawirada” Warar dheeraad ah oo laga helaayo Qaabta uu u dhacay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee goordhow ka dhacay Muqdisho

iftineducation.com – Nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo isku qarxiyay gawaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda, gudaha Magaalada Muqisho.


Nin naftii hurre ahaa, ayaa galabta weerar abaabulan ku qaaday baabuur ay la socdeen Ciidamada sida gaarka ah u tababran ee Dowladda Federalka Somaliya.


Ciidamadaan oo loogu yeero Alpha Group, ayaa waxay ku sii jeedeen dhinaca Garoonka Aadan Cadde, waxaana la weeraray xilli ay marayeen wadada Xeradii Ciidanka Cirka ee Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab.


Gaariga weerarka lagu geystay, ayaa noociisu ahaa Noah, wuxuuna ku Parking gareysna wado ku beegan wadada Xerada Afisyooni, iyadoo uu beegsaday Ciidamadii wadada maraayay.


Weerarka, ayaa la soo sheegayaa inuu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay adag tahay in macluumaad rasmi ah laga helo khasaaraha guud, ee uu geystay.


Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaan wax war ah ka soo saarin kolonyada ay la socdeen Ciidamada Alpha Group ee la weeraray.


Weerarkaan wuxuu ku soo aadayaa, xilli Ururka Al Shabaab ay maalinimadii shalay ku hanjabeen in weeraradoodu aynaan hakin doonin duqeymaha ay dalka ka wadaan diyaaradaha Mareykanka.