Uncategorized

Calanka Turkiga oo galabta lagu xiray wadada Maka Al Mukarama ilaa Garoonka Aadan Cadde

iftineducation.com – Waxaa galabta Magaalada Muqdisho ka soconeyso hawlo Calanka Turkiga loogu xiraayo wadada Maka Al-Mukarama ilaa wadada kale ee tagta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.




Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir oo wata gaadiid iyo jaranjarooyin, ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka, iyadoo aad arkeyso iyagoo si saf ah wadooyinka ugu xir xiraaya Calamada Somaliya iyo Turkiga, si is-barbardhig ah.




Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana boqolaal askari lagu arkayaa wadooyinka ku teedsan Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia.




Maalmaha ina soo aadan waxaa Magaalada Muqdisho ku soo wajahan Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo la hadalhaayo in maalinta Jimcaha ah uu soo gaari doono Xarunta Somaliya.




Khuburo xagga ammaanka ah oo ka socdo dalka Turkiga, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay soo gaaraayay Magaalada Muqdisho, iyagoo u gogol xaaraaya booqashada Madaxweynaha.




Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac waxa uu shacabka ka codsaday inaysan dhib u arkin, haddii uu culeys kaga yimaado mudada uu xiran yahay wadooyinka.