Uncategorized

Booliska Faransiiska oo sheegay in la dilay labadii nin ee loo heystay weerarkii Wargeyska Charlie Hebdo

iftineducation.com – War caawa ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska ee Magaalada Paris, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in la dilay labadii nin ee loo heystay weerarka Arbacadii lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo.




Xoogag ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Faransiiska, ayaa waxay u dhaceen dhisme ku yaala Waqooyiga Magaalada Paris, oo labadaasi nin ay ku heysteen hal qof.




Ciidamada, ayaa iska caabin xoogan kala kulmay raggaasi, sidoo kale waxaa dhismaha laga dhex maqlay qaraxyo is xig xigay, oo daryan xoogan uu ka dhashay.




Labada nin ee la dilay oo walaalo ahaa, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cherif Kouachi iyo Said Kouachi, sida uu xaqiijiyay Booliska Magaalada Paris.




Dhinaca kale Ciidamada Booliska, ayaa waxay ku hareereysan yihiin dhisme Super Market ah oo Magaalada Paris ku yaala, kaasoo la soo sheegaayo inay weerareen laba ruux, oo middi ay haweeney tahay.




Dhismahaasi, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhex heystaan tiro dad ah, oo markaasi u dukaameysi tagey.