Uncategorized

Boko Xaraam oo qabsatay magaalo

iftineducation.com – Masuuliyiinta Nigeria ayaa sheegay in kooxda islaamiyiinta ee Boko Xaraam ay qabsadeen magaalo iyo saldhig milatari oo ay isticmaalayeen ciidamo caalami ah oo la dagaalamaya Boko Xaraam.
Senatorka Borno North ee magaalada Baga ay ku taalo, ayaa sheegay in saldhiga laga cararay markay Boko Xaraam soo weerareen.
Dadka degan Baga oo ka tagay oo u cararay Chad, ayaa sheegay in dad badan ay dileen magaaladana dab ay qabadsiiyeen.
Boko Xaraam ayaa haysata meelo badan oo u dhow Baga, oo ay ahayd meesha kaliya ee ay dowlada haysatay Sabtidii ka hor.