Uncategorized

Baadari Masiixi ah oo maanta lagu dilay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya

iftineducation.com – Nin ku hubeysnaa qori, ayaa maanta waxa uu Magaalada Mombasa ee dalka Kenya uu ku dilay Baadari Masiixi ah, xilli uu sii gelaaya dhisme ay ka kireysteen, qol ay ku cibaadeystaan maalmaha Axada.




Ninka dilka geystay, ayaa waxaa u suurta gashay in cagaha uu wax ka dayo, oo goobtaasina uu isaga baxsado, mana suurta gelin in gacanta lagu soo dhigo.




Ciidamada Booliska oo ku baxay goobta ay toogashada ka dhacday, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano ku aadan falkaasi, ha yeeshee lama soo sheegin cid ay u soo qab qabteen.




Sarkaal u hadlay laamaha ammaanka, ayaa u sheegay Warbaahinta Kenya in nin qori ku hubeysnaa uu falkaasi geystay, isla-markaana ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan, in sharciga ay ku horkeenaan.




Toogashada xilligaan ka dhacday Magaalada Mombasa waxay ku soo aadeysaa, xilli aynaan cago badan ku taagnayn xasiloonida Xarunta 2-aad ee Kenya.




Sanadkii hore 5 ruux oo dadka Diinta Masiixiga faafiya ah, ayaa lagu dilay Magaalada Mombasa.