Uncategorized

AMAZING: Gabar yar Oo aduunka ka yaabisay markii ay diyaarad ka badbaadey -Muuqaal

iftineducation.com – Qiso cajiib ah ayaa ka dhacday gudaha dalka Mareeykanka gaar ahaan magaalada Kentucky ka dib markii gabar yar oo 7 sano jir ah ay si cajiib ah uga badbaaday Diyaarad ay ku halaagsameen dhamaan qooyskii uu ka koobnaa reerkeeda .

Gabadhaan yar oo lagu magacaabo Sailor Gutzler waxay mudo badan dhex lugeenaysay dhul aad u fog oo keyn ama jiq ah taas oo ugu dambeyntii heshay guri uu leeyr ama Tv ka shidnaa waliba uu ku noolaa nin 71-jir ah laguna magacaabo Larry Wilkins .
Larry Wilkins ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhaan yar ay gurigiisa ku soo garaacday iyada oo dhiig fara badan uu ku yaalo waliba aad u haraadsan . Booliiska oo soo gaaray goobtii Diyaarada ku dhacday ayaa xaqiijiyay in Sailor Gutzler ay waalidiinteeda ku wada geeriyoodeen shilkii diyaarada soo dhacday .