Uncategorized

Abuu Xamza oo xabsi daa’im lagu xukumay

iftineducation.com – Maxkamad ku taalla waddanka Mareykanka ayaa xukun xabsi daa’im ah ku riday wadaadka xag jirka ah ee Abu Hamza al-Masri.
Abu Hamza ayaa ku caanbaxay muxaadarooyin uu kaga hadli jiray jihaadka oo uu Britain ka jeedin jiray, uuna kaga soo horjeeday reer galbeedka.
Waxaa lagu yaqaan biraha uga jiro gacmaha kuwaas oo loo geliyey kaddib markii qarax qabsaday uu gacmihiisii ku waayay.
Waxaa loo musaafuriyey dalka Mareykanka 2012-kii waxaana loo haystay 11 dacwadood oo argigixso iyo afduub la xiriira.
Xukunka xabsi daa’imka ah waxa uu aamusin doonaa ninkan oo khudbadihiisu ay ahayeen kuwa dadka kiciya.
Waxa uu noqday horumuudka xagjirnimda ee dalka Britain.
Garsooraha maxkamadda ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in Abuu Xamza uu weli halis ku yahay bulshada.
Waxay maxkamada u sheegtay in uu ku dhiiri geliyey dad kale in ay laayaan dadka aan Islaamka ahayn, oo ay waajib diini tahay in sidaa la sameeyo, mana aaminsani bay tiri in uu is badalay.