Uncategorized

12 Masaajid ayaa waxyeelo loo geystay sanadkii 2014 ilaa hadana waa socotaa daawo

iftineducation.com – Dalka Sweden in ka badan kun qof ayaa ka qayb qaatay dibadbaxyo looga cabanayey weerarrada lagu qaadayo masaajidda.
Dhacdadii ugu dambeysay, maalintii Khamiista ahayd ayaa bambo laga sameeyey batrool waxa lagu tuuray xarun ay muslimiinta ku tukadaan oo ku taala magaalada Uppsala ee bariga dalkaasi Sweden.
Madaxa kaniisada ee magaaladaasi ayaa BBC-da u sheegay in dadka falkani gaysanayo aanay ku guulaysan doonin in ay kala qeybiyaan ama iska horkeenaan dadka Sweden.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno weerarradaasi lagu qaadayo masaajidda dalka Sweden ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu ka wareystay Samiir Ducaale oo ka hawlgala idaacadda dowladda Sweden.