Uncategorized

Xubno Ka mid ah qoyska Hogaamiyaha ISIS oo xabsiga La dhigay.

iftineducation.com – Wararka laga helaayo dalka Lubnaan Ayaa sheegaya in ciidamada Dalka Lubnaan ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah qoyska  Hogaamiyaha ISIS SH. Abubakar Al-baqdaadii.


Wararka ayaa waxa ay inta ku darayaan in la qabtay xaaska Al-baqdaadii iyo wiil uu dhalay xili ay u gudbi rabeen Xadka Dalka Lubnaan, waxayna wararka intaa ku darayaan In ay wateen waraaqado sharci been abuur ah.


Lama garanaayo Talaabada ay qaadi doonto Dowlada Lubnaan ayadoo ay jirto in kooxda ISIS ay heystaan qaar ka mid ah ciidamada dalka Lubnaan ayagoo sheegay  in ay qoorta ka jari doonaan ciidamada ay ka heystaan dalka Lubnaan.