Uncategorized

Xiriirka Ka Dhexeeya Shaqsiyada Qofka Iyo Xanuunada Qaar

iftineducation.com – Dadka aan go’aannada adag lahayn, kuwa shaqada badan, shaqsiyaadka deggan ee farxada badan, ayaa la ogaaday in aanay qaadin xannuuno badan oo ka mid yihiin faaliga, roomatiisanka iyo macaanka, sida lagu iftiimiyey daraasad cusub oo khubaro Maraykan ah sameeyeen toddobaadkan.rsz_shaqsiyada_xanuunada


Sidoo kale, cilmi-baadhistu waxay sheegtay in dadka murugada badan, xaaladooda aanay degenayn, kuwa cadhada badan amma inta badan cadhaysan ay ku dhacaan xannuunadaas, inkastoo qadarka Ilaahay (SWT) wax walba ku dhacaan.


Khubaradan waxay heleen xidhiidhka xooggan ee ka dhaxeeya shakhsiyada qofku noocay tahay iyo xannuunada qaar, waxaanay daraasadan oo nooceedu tahay tii ugu horraysay ee waqtiyadan la sameeyo ku ogaadeen in haddii qofku noqdo mid qalbi furan, go’aannada loo soo jeediyo aan ka hor imaan amma aan ahayn mid cadho iyo xanaaq badan uu caafimaadkiisu yahay mid aad u wanagsan oo aan qaadin cudurro badan oo ka mid ah kuwa dunida hadda aafeeyey.


Cilmi-badhayaashu waxay arrintan ku sameeyeen in dadkanoocaas ah cunto caafimaad qabta cunaan, jimicsigoodu wanaagsan yahay, isku buuq iyo murugo badan aanay, sidaa darteedna jidhkoodu yahay mid aad u caafimaad qaba.


Geesta kale, waxay tilmaameen in dadka aadka u cadhada badan, murugadu ku badan tahay, xaaladooduna aanay inta badan degenayn laga helo cudurrada macaanka, faaliga iyo qaar kale oo badan.


Daraasadan waxay taageertay mid ka horraysay oo lagu ogaaday in dadka cadhada badan hore u geeriyoodan, balse waxaan ilaa hadda si fiican loo caddayn sababaha arrimahan keena, halka khubarada qaar sheegaan in dadkan jidhkoodu soo daayo hormoonada uu ka midka yahay Cortisol, kaasoo haddii uu jidhka ku bato dhaawac u geysta hab-dhiska difaaca cudurrada bani’aadamka iyo xubno ay ka mid yihiin maskaxdu.


Dadkan oo baadhitaanka daraasadan ku socday muddo 4 sannadood ah waxxa uu noqday maxsuulka ka soo baxay in dabeecada qofku masuul ka noqoto hadba cudurka ku dhaci kara.