Uncategorized

Xiriirka Ka Dhexeeya Milixda Iyo Madax Xanuunka

iftineducation.com – Cilmi-baadhis lagu sameeyey 400 qof oo si isku dhafan ah loo doortay oo qaar cunto milixdu ku yar tahay cuna, khudraduna ku badan tahay, ayaa la ogaaday in aanu inta badan madaxu xannuunin.milixda madax xanuun


Qoofka oo joojiya inuu afka ka qaato milixda waxa hoos uga dhacda 30% in madax-xannuun ku dhaco sida lagu shaaciyey cilmi-baadhis cusub oo ay soo saareen Khubaro Maraykanka u dhashay.


Dadka hoos-u-dhiga quudashada milixda xaddi dhan 3g maalintii waxay ka badbadaan in madax-xannuun haleelo, waxaanay 3 gram ee milixda ah la mid tahay malqacad badhkeed amma milixda inta badan laga helo cuntada caadiga ah.


Khubarada daraasada samaysay waxay sheegeen haddii qofku hoos u dhigo inuu milix isticmaalo waxa ka yaraada madax-xannuunka, sababtoo ah waxa hoos u dhaca xawliga dhiigga oo inta badan sababa in qofku ka cawdo madaxa.


Cilmi-baadhis lagu sameeyey 400 qof oo si isku dhafan ah loo doortay.


Milixda qaadashadeeda oo hoos loo dhiga waxay saamaxda in qofku ka badbaado madax-xannuun saayid ah, aar ahaan haddii  qofku hoos u dhigo cuntada milixdu ku badan tahay iyo inuu sideedaba u qaato,” ayuu tidhi Lawrence Appel oo ka tirsan Jaamacadda John Hopkins.


Prof. Graham MacGregor oo wax ka  dhiga jaamacada Queen Mary,  London iyo Hay’adda Milixda iyo Caafimaadka ee WASH (World Action on Salt and Health) oo aan daraasadana qayb ka ahayd, ayaa shgay in aan khubaradan fahmin sababta milixda oo la joojiya hoos u dhigto madax-xannuunka, balse ay ka shakiyeen uun in ay dhiig xawliga uu ku socda hoos u dhiga.





ibraahim Khadar Siciid