Uncategorized

Xildhibaanadii Ka soo horjeedey Mooshinka oo weli mowqifkooda ku taagan

iftineducation.com Xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan garabka taageersanaa xukuumada C/wali Sheekh Axmed ee diidanaa mooshinka ayaa ka hadlay go’aanka ka soo baxay gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aadan dhamaynta khilaafka xildhibaanada iyo guda galka mooshinka, Xildhibaanadan ayaa sheegay in gudoonka ka aqbaleen keenista mooshinka balse ay weli ku taagan yihiin go’aankii ahaa in mooshinka sharciga uusan waa faqsanayn.


Xildhibaan Cabdi Yuusuf Jibriil oo hormuud u ahaa xildhibaanada ka soo horjeedey mooshinkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mooshinka ay wadeen qaarka mida xildhibaanada uu yahay mid aan raacsanayn wadada sharciga ee mooshin loogu tala galay loona baahan yahay in la soo marsiiyo sharciga uu leeyahay moosshinka.


Mar uu ka hadlayey wada hadalka ay la galeen gudoonka baarlamaank ayuu sheegay in ay u soo bandhigeen qaabka loo xalin karo is maan dhaafka xildhibaanada iyo madaxda dalka, wuxuu sheegay in ay isla qaateen in garabkooda ay aqbalaan hadii sifada sharciga la mariyo mooshinka in ay san ka hor iman.


Dhinaca kale waxa uu sheegay xildhibaan Cabdi Yuusuf Jibriil in ay isku kalsoon yihiin xildhibaanada taageersan xukuumada ee ka soo horjeeda mooshinka isagoo sheegay in ay xukuumada siinayaan codkooda kalsoonida ayna rajaynayaan in ay ka cod bataan xildhibaanada ka soo horjeeda sidaana xukuumada ku sii shaqayso.