Uncategorized

Wafdi ka socda Jaamacad Carabta oo booqday xeebta Liido: Sawirro

iftineducation.com – Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo Muqdisho ku sugan Labo cisho ayaa maanta maamulka Gobolka Banaadir casuumaad u fidiyay, waxayna kormeer ku tageen goobo ay ka mid aheyd xeebta Liido, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen fikrado ku aadan qaabka loo horumarin karo mashaariicda horumarineed ee caasimada ka socda.

Wafdigan ayaa waxaa la sheegay inay horudhac u yihiin Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra´iisul Wasaare Kuxigeenka Kuwait oo maalmaha soo socda la filayo inay booqasho ku yimaadaan Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee gobolka Benaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano Geel” ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay farxad u tahay inay soo dhaweeyn u sameeyaan wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta.

Faiz Mohamed Al-Mudeiri oo ah mas’uulka hogaaminaya wafdiga Jaamacadda Carabta ka socda, isla markaana ah safiirka Dowladda Kuwait u fadhiya Dalka Jabuuti ayaa maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay casuumadda ay u fidiyeen.