Uncategorized

Ururka SOMPA oo daweyn samafal ah u sameeyey barakacayaal ku nool Muqdisho (Daawo Sawirada)

iftineducation.com Ururka SOMPA oo ay ku midoobeen arday baratay cilmiga dhaqtarnimada oo sanadkaan ka qelin jabinaysa kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa howlo samafal ah oo isugu jira daweyn, wacyi galin iyo qaybinta Maro kaneecooyin ka sameeyay xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.


Barnaamijkan samafalka ah oo fulintiisa ay ka qeyb qaateen illaa 25 arday ayaa waxaa ka faa’iideystay illaa 350 bukaan oo isugujira Caruur, haween iyo dad waaweyn oo la ildarnaa cuduro kala duwan sida uu sheegay Dr. Dr. Cabdi Mahad Ciise oo ah gudoomiyaha ururka SOMPA.


“Howshan saacado badan ayey nagu qaadatay, bukaanada aan la kulanay cuduro iyo xaalado nafaqo daro ayey la ildarnaayeen badankood, waxaan u sameynay baaritaano iyo daweyn bilaash ah, intaas waxaa dheer maro kaneecooyin aan u qeybinay illaa 100 qoys” ayuu yiri Dr. Cabdi Mahad.


Dadka ka faa’iideystay howshan samafalka ah ayuu sheegay iney ku nool yihiin xeryaha barakacayaasha ee kala ah Ku-naso, Fatxi iyo qaar kale oo ku yaala degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir isla markaana hoos taga dallada DEEQA.


“Ururka SOMPA waxaa uu u mahadcelinayaa ganacstada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega kana dhoofisa Dekeda Muqdisho oo suurageliyey gacan weyna ka geystay qabsoomida barnaamijkan” ayuu yiri Dr. Cabdi Mahad.


Guddoomiyaha ururka SOMPA ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida Jaaaliyaddaha dibada, ganacsatda, iyo dadka muxsiniinta ah ee wax haysta inay ka qayb qaataan howlaha samafalka ah ee loogu gurmanayo dadka jilicsan kuwaasoo uu hormuud u yahay ururka SOMPA.