Uncategorized

Topnews:-Ganacsato lacag badan ku bixisay burburinta Xoogagii Ahlusunah Galgaduud iyo Isbaarooyin la tubay ?

iftineducation.com – Ganacsato u dhashay beesha Ceyr oo lagu kala magacaabo Xuseen Goleey iyo Xuseen Cali Salaad ayaa lacag badan ku bixiyay dagaal uu Wasiir Mahad Salaad la galay Xoogaga Ahlusunah ee gobolka Galgaduud ka saaray argagixisadii Al-Shabaab.
Mahad Salaad iyo Goobaale ayaa Dhuusamareeb ka dejiyay diyaarad siday hub nuucyadiisa kala duwan,waxaana qoryo dhan sedex boqol loo qeybiyay Maleeshiyo beeleed Ceyr kuwaas oo isbaarooyin dhigtay Dhuusamareeb,Guriceel ilaa Matabaan.
Hubkaas oo dhamaa sedex boqol  qoryaha fudud iyo rasaas farabadan waxaa Muqdisho ka iibiyay ganacsatada beesha Ceyr gaar ahaan Xuseen Goleey iyo Xuseen Cali Salaad kuwaas oo qorshahooda ugu weyn lagu sheegay sidii Sheekh Cabdirisaaq Ashcari iyo Macalin Maxamuud looga faramaroojin lahaa Gobolka Galgaduud.sidoo kalena Jufadda reer Ciyoow looga saari lahaa Degmadda Guriceel.
Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee laga sifeeyay Galgaduud ayaa dib ugu milmay Maleeshiyo beeleedka Isbaarooyinka dhigtay iyagoo isticmaalaya magaca Jufooyinka.
Xoogaga Ahlusunah ayaa horey u qaaday dhamaan Isbaarooyinkii gobolkaas yiilay hasse yeeshee shalay iyo maanta waxaa tuban Isbaarooyin loogu magacdaray Isbaarada Reer Ayaanle,Isbaarada Habar eji,Isbaarada Cabsiiye ,tan Yabar dhoore kace iyo waxyaabahii ay horey ugu shaqeeysan jireen Cirfo iyo Goobaale.
Xuseen goleey ayaa dagaalka u wado Xifaaltan Beesha Reer Ayaanle Ceyr u dhaxeeya,wuxuuna  la dagaalamayaa jufada Reer Ciyoow oo ay ka dhasheen Shabeel Maxamed Xaashi, Xasan Dahir Aweys, Ali Yare Wardheere, Abdi waal.
Xuseen Goleey wuxuu u dhashay Lafta Faarax Gaab halka Xuseen Cali Salaad u dhashay Lafta Gaban Ayaanle Ceyr.
Labada Laf waxeey isu kaashanayaan in Jufadda Reer Ciyoow laga saaro Guriceel oo la geeyo Laba Baar degaan lagu magacaabo
 Ganacsade Xuseen Goley ayaa laga soo xigtay inuu yiri ” Reer Ciyow baan labo baar ku celinayaa” hasse yeeshee dhinaca kale waxaa la xaqiijiyay inuu lacagta dagaalkaas ka qaaday  Wasiirka maaliyada puntland oo ay Dubai shirko ku ahaayeen ,iyadoo sidoo kalena sedex  boqol oo kun  dollar laga qaaday Ganacsatadda Al Ictisaam Ex Al Itixaad kuwaas oo ujeedkoodu yahay in Galgaduud laga saaro xoogaga Ahlusunah 
Dadka waxeey leeyihiin Sheekada socota Al-Shabaab iyo Xusen Goley waa isla ogyihiin maxaa yeelay waxeey Al-Shabaab maalin cadeey waraaqo ku daadiyeen Dhuusamareeb .
Xuseen Goleey waxaa horey u dhaawacay Maleeshiyadda argagixisada Al-Shabaab hasse yeeshee wuxuu noqday qof aan wax ku baran qaladaadkii horey uga dhacay.
Si kastaba ha ahaatee,Mahad Salaad oo hada weli sii haaya xilka Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda wuxuu noqday nin lagu xasuusan doono dagaalka uu Ahlusuna la galay iyo sidii u burburshay nabadii ka jirtay gobolka Galgaduud.



By Dahir Alasow
dahir.alasow@waagacusub.net
Tel: +31684863567