Uncategorized

Tirada lacagta Alshabaab sanadkii tegay zeko ahaan uga uruuriyeen Soomaaliya

iftineducation.com – Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii tegay ee Hijriyada 1435 ay lacag dhan $8.9 Milyan dollar oo zekada xoolaha nool ah ku ruruuriyeen degmooyinka iyo gobolada ay maamulaan ee dalka Soomaaliya.




Mu’asasada Al-kataa’ib ee garabka warbaahineed xarakada Alshabaab ayaa soo saartay filim ka hadlaya xoolaha ay zeko ahaan Alshabaab u uruuriyeen sanadkii tegay iyo dadkii ka faa’iideystay sida la yiri.




Sida warbixinta Alshabaab lagu sheegay, dhaqaalaha kasoo xarooday xoolaha nool ee Zakawaadka ayaa ka badan $8.9 Malyuun oo dollar.




Filimkaan waxaa lagu sheegay in geela zeko ahaan Alshabaab u uruuriyeem uu gaarayo 6,500 oo madax oo lacaga ahaan u dhigma $3,900,000 (Seddax Milyan iyo sagaal boqol kun dollar).




Sidoo kale, filimka ayaa lagu sheegay in ariga zeko ahaan loo uruuriyey uu gaarayo ilaa 100,000 oo madax, kaasoo lacaga ahaan u dhigma $4,000,000 Milyan (Afar Milyan dollar).




Warbixinta waxaa lagu sheegay in lo’da zeko ahaan loo soo uruuriyey ay gaareyso ilaa 2,500 madax oo dhiganta $1,000,000 (Hal Milyan dollar).


Dhaqaalahan faraha badan waxaa Alshabaab sheegeen in looga faa’iideeyay 5,000 oo qoysas danyar ah.




Dadka qaar ayaa rumeysan in Alshabaab xoolaha ay dadka qaadan ku maalgeliyaan dagaalka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.




Warbixinta laguma sheegin dhaqaalaha Alshabaab kasoo uruuriyeen dalaga beeraha iyo ganacsiga.


RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAAKAAN