Uncategorized

Seychelles oo Maxkamadeyneysa Burcad Badeed Soomaali Ah

iftineducation.com – Maxkamadda ugu Sareysa qaranka jasiiradda Seychelles ayaa sheegtay in Rafcaan ay qaateen sedex ruux oo Soomaali ah oo looga shakiyay burcad badeednimo.




Labo kamid ah sedexdasi ruux ayaa racfaan ka qaatay xukun 21 sano oo xabsi ah,halka qofka kale isagana uu racfaan ka qatay 14 sano oo xabsi ah.




Sedexda ruux ayaa waxaa ay kamid ahaayeen 25 ruux oo looga shakisan yahay burcad badeedda soomaalida oo ay gacanta kusoo dhigtay doon ay saarnaayeen ciidamo oo lagu magacaaabo Danish Naval Vessel oo laga leeyahay dalka Holland bishii January ee Sanadkii 2012 xilli ay joogeen biyaha geeska Africa.




Warbixin kasoo baxda ciidamada badda Holland ayaa lagu sheegay in sedexda ruux ee soomaalida ah ay kamid ahaayeen 25-ruux oo ay ka badbaadiyen 14 la hayste oo u kala dhashay wadamada Iran iyo Pakistan iyo markabkii ay Afduubteen.




Wargeyska lagu magacaabo Today in Seychelles ayaa sheegaya in maxkamada ay sheegtay in dhawaan sedexdaan ruux ee soomaalida ah lagu celin doono dalkooda soomaaliya.