Uncategorized

Sawiro: Dalka Australia oo jahwareer ku sugan kadib hal nin oo afduub u…

iftineducation.com – Boolis aad u hubeysan ayaa xiray qeybo ka mid ah bartamaha caasimada Sydney ee dalka Australia, kaddib markii qof hubeysan uu dad ku afduubtay maqaayad ku taalla halkaasi.


Dadka ku dhex jira maqaayada ayaa la arkayay iyaga oo gacmaha ku haya daaqadaha maqaayada, waxaana mid ka mid ah daaqadahaasi laga taagay calanka madow ee kooxaha jihaad doonka ah.


Booliska caasimada Sydney ayaa sidoo kale howlgal ka wada tiyaatarka ugu weyn caasimada.


Ra’iisul wasaaraha Australia, Tony Abbott, ayaa kulan la yeeshay gudiga ammaanka qaran, waxaana khudbad uu shacabkiisa telefishinka uga jeediyay ku sheegay in aanay weli cadeyn ujeedka qofka afduubka geystay.


RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA