Uncategorized

Ragii riday Xiirane Oo wasiiro wada noqday !

iftineducation.com – Ra’iisul wasaaraha xukuumada cusub ee soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaarke, ayaa lagu wadaa in dhawaan xukuumadiisa uu kusoo daro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka


Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay ka mid ahaayen kuwii riday Xukuumadii ku gacanseertay kalsoonida baarlamaanka waxaana la filayaa in xildhibaanadaasi ay kor u dhaafi doonaan ilaa Lix xildhibaan oo qaadan doono wasiiro iyo ku xigeeno.


R/wasaare Cumar C/rashiid ayaa waxa uu isagu xiligaani ku howlan yahay gudashada waajibaadkiisa iyadoona uu diyaariyay Liiska, inkastoo aan la garaneynin raga ka dhex muuqan doono magacyadooda.


Si kastaba ha ahaatee, maalmaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa xukuumada cusub waxaana ka dhexmuuqan doono Xildhibaano badan oo aan horay u soo noqon wasiiro iyo wasiiro ku xigeen.