Uncategorized

Quraacda Subixii Oo Noqon Karta Mid Dhinta Miisaanka

iftineducation.com – Cilmibaaris cusub ayaa qaadacay in quraacdu tahay raashinka ugu muhiimsan ee maalintii la cuno


Cilmibaarayaal ka socday Jaamacadda Alabama ayaa ka munaaqashooday dooda ah in quraacda subixii ay xal u noqon karto kantaroolka miisaaka. Waxay sidoo kale gaashaanka u daruureen in arin ay dadka badi iska daadhiciyeen oo ah in quraacda subixii ay qayb ka qaadan karto dhimista cayilka.


Dooda cilmibaarayaasha ayaa ku soo biya-shubatay in quraacda aysan korna u qaadi Karin hoosna u dhigi Karin miisaanka qofka.


Waxaa jiray daraasaado kale oo horay u soo jeediyay in quraacda subixii ay yarayn karto miisaanka qofka.


Intii lagu guda jiray daraasadaan, waxaa ay cilmibaarayaasha ay isugu yeereen dad miisaankoodu saa’id yahay, tiradooduna tahay 300 oo qof kuwaasoo isugu jira dad da’doodu u dhaxayso 20-65 sano jir, dadkaan waxaa lagu wargaliyay in ay qaarkood subixii quraacdaa, qaar kalena ka tagaan oo aysan cunin.


Kooxdii cilmibaarayaasha ahayd ayaa falanqeeyay saamaynta ay leedahay ka tagista iyo cunista quraacda subixii ah dhimista miisaanka qofka. Waxaana ay soo ogaadeen inuusan jirin wax farqi ah, cayilkii ama miisaankii qofkuna uu sidisii yahay.


Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirta qaar ayaa ku doodaysa in natiijada cilmibaaristaan ay u baahantay fasiraad bayaansan.