Uncategorized

Qoraa U Dhashay Dalka Sacuudiga Oo Shaaciyay Fal Muslimiin Badan Ka Careysiiyay.

iftineducation.com – Qoraa u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Qamrigga uu xalaal yahay, arintan ka soo yeerta ninkan Qoraaga ah ayaa ka careysiisay dad badan oo Muslimiin ah maadaama uu meel kaga dhacay Nusuusta Diinta Islaamka ah mid kammid ah.




Qoraagan oo lagu magacaawo Cabdulahin Binu Bakhiit ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyay qoraal uu ku sheegayo in Qamriggu aanu kammid aheyn wax yaalaha Diinta Islaamka ah lagu xaaraantinimeeyay.




Qoraaggan Sacuudiyaanka ah ayaa iska indha tiray aayadaha Qur’aanka ah oo ALLAAH uu ku xaarantinimeeyay Qamrigga, arintan ayaa waxaa jawaaba kulul ka bixiyay dhamaan dadka Muslimka ah ee warbixinta ninka akhristay.








Kuwaas oo Al- Bakhiit ku tilmaamay inuu meel kaga dhacay Diinta Islaamka uuna Tawbad layimaaddo, maadama uu inkiray aayado kammid ah Qur’aanka Kariimka ah.