Uncategorized

Qilaafka Qoyska Ee ka dhasha Biilka (Qormo Xiisa badan)

iftineducation.com – La Yaab Qof kasta wixii uu ilaahey siiyey Ayaa ku filan.Masruufka oo kugu Yari marar badan ma keeno in aad dadka ka hadho ama gaajo u dhimato.Barakada iyo tayeynta Risiqa iyo maalku waa wax ka duwan sida dadka qaarkii u heystaan in uu tiro bato,Qofka inta ugu yar ka hela ilaahay ee hadana isku fileysiiya ama ku baahi baxa kuna Faraxsan Ayaa buuxa,Dadka Mid kasta Helay hadana ka baahan kana Aradan ayaa dhanka kalena Jira.
Waxkasta oo aynu Heysano wixii aynu ka xidhano ama ka cuney Ayaa si rasmi ah inoogu Qornaa.50$ haddii aad qaadatey iyo 1 Million haddii aad Heysato labadiinuba Cunto calool keliya wada tageysa Ayaad Cuneysaan,Calool Dheregta oo istaagta Ayaad wada leedihiin.Sariir Qaali ah iyo Dhulka intaba waad wada gam,eysaan oo Hurdo Ayaad wada heleysaan.
Immisa Ayaa xaafada biil ugu Filnaan kara wakhtigan Xaga Waxbarashada,Kirada,Cuntooyinka iyo Socdaalada ama Caafimaadka intaba.Waxyaabaha aasaasiga ama daruuriga ahi immisa ayey guud ahaan isku Noqonayaan marka laga tago Kharashka raaxada iyo Dheeraadka ah.Ma biilka iyo Mushaharka shaqada Ayaa dhalinta Cabsi ku heysa,Ma Kirada Guriga,Mise Qandaraasyada shaqo oo hore uga Dhamaadaa.
Rag iyo Dumar haddii aynu wada Shaqeyno Ayuun baa malaa aynu isku filnaan karnaa.Lacagtaad Dooneyso in aanad helin Ayaa suurta gal ah hadana waad Noolaneysaa.Lacag badan in aad qaadataa Maaha in aad adigu ugu raaxo badan tahay Aduunyada.Qoys iyo Reer Dhisan inta kuugu filnaan kartaa ma 100,150,200,300,500,800,1200, Waa Midkee.Midkee Ayaad bishii Bixisaa.
Sannadkasta Dhaqaalaha reerku intii hore in uu ka sii bato Ayaa la rajeynayaa.Haweenkuna wax tashiilida iyo dhaqaaleynta wey ku kala fiican yihiin oo Mid ayaa rabta in ay raaxo iyo faan ka dhigato wixii loo dhiibaba.
Ninkastaaba wuxuu raadsanayaa shaqo dhaqaale badan uu ka helo si uu isku filaansho rasmi ah u gaadho.ISkaga tag shaqadan Masruufkeedu wuu yar yahay ayeySukhra  ku Tidhi Odey ay wada Joogeen,guri shan maqsina waa in aad ii kireysaa,Shaqo intan ka badana waa in aad raadsataa.sidani ku wada Joogi meyno,Dagaal qabow iyo hadal aanu qaadi karin ayey ooda kaga qaadey Sukhri  Cilmi gaab oo ay u Dhaxdey.
bal Jaarkaaga u fiirso Sukhra Ayuu cilmi ku Yidhi Afadiisii,Labadan Maqsin Ayaa inagu filan ee Sheydaanka iska naar.Waad Ogtahay xaafadaha qaar 3 ama 2 qof ayaa  u shaqeeya Aniguna keli ayaan ahey Markaa iga daa Buuqa badan.lacagtu waa aduunyo,Aduunyaduna wey tagtaa oo hadana soo noqotaa,Ragbaa Mushahar u qaata 40$,Qaarkalena 2000$  ku kalsoonow Calafkaaga.
iyaduna Shan Maqsin ayey dooneysaa.Jeebka ninkeeda wey og tahay,Shaqaduu hayana wey og tahay,Dhalinyarta wadanka waxa ku Heystana wey ka warqabtaa oo isaga oo aan waxba heysaninba waa tii isku dhiibtey ee afka u macaaneysey si ay reernimo uga Hesho.Maantase Markey ogaatey in ay Heysato caruur aan iyada mooye cid kale heyn karin ayey rabtaa in ay ugu goodiso uguna Hanjabto Qorsheyaal badan oo ay rabta in uu



fuliyo.
Gabadhba wax gaar ah ayaa lagu biiliyaa,Ragu isku shaqo Maaha,Dadku isku Heyn maaha,Mid ayaa qaadaneysa 120$ iyada oo 5 Ciyaala leh,Mid kale oo la Jaar ah Caruurteeduna tahay 2 Ayaa bishii Heleysa 1000$,Raga qaar baa Bilaa camal ah,Qaar Ayaa lugeeya oo Basaska aan dhaafin,Qaarna baabuur 20,000$ Ah ayey suuqyada ku dhex Socdaan.
Kumeynaan Heshiin in aan Bil kasta ku siiyo 500$,laakiin waxa aynu ku Heshiiney in aynu wada qeybsano Dhib iyo Dheef Wixii Waayaha Nolosha inagaga soo baxa,Waxa aynu ku Heshiiney in aynu iska Weheshano Ayaamo kuleyl iyo Qabowba leh.Waa Runtaa Cilmi Laakiin Haddii Talo kaaga soo uruurtey in aad Maalintii oo dhan Qayisho,Wixii aad heshana Qeybta badani adiga Afkaaga ku baxdo sida Jaadkaaga,Shaqadaaduna ay sidani u yar tahay oo aad tahay Shaqaalle Dawladeed Kuma sii Jiri karo sidani. Walaal Shukra Waxaan ku guursadey aniga oo Qayila,Waxaad ii timi Aniga oo Dawlada u shaqeeya Maxaa kugu dhacey Wakhtigan.Ma xaafadaha Jaarka ee Baabuurta iyo Guryaha quruxda badan ku Jira Ayaad ku dayaneysaa.
Dumarku Malaa waxa ay Jeclaan lahayeen in Dawladu soo saarto xeer Barlamaanka laga ansixiyo oo ka hadlaaya xaafadu inta ay biil u qaadan karto si Mid kastaaba  u Hesho lacag ay ku faraxdo,Dumarka oo dhana Biil isku Mid ah xaafadahooda ku Helaan.Waxey Mid kastaa Jeclaan laheyd in Sannadkii mar laga badalo Alaabta Guriga,Guriga laga hagaajiyo,Caruurtana dibada loogu Dhoofiyo.
Biilka la qaadanaayo iyo Hawsha xaafada ka gaadheysa Haweenku mararka qaar iskuma Qalmaan,Iyada oo Nafaqo,Mariin iyo xarago,Dahab iyo Caafimaad u baahan ayaa laga Yaabaa in ay Hesho wax ka yar intii ay Fileysey iyada iyo Caruurteeduba. Dabeecada dumarkuna waxa  ay hadba raacdaa inta uu yahay Dhaqaalaha ay Heshaa.Dumarka Aduunka oo dhan waajibaadka ka saaran Gurigoodu waa Isku Mid,Waad garan kartaa Gabadh oori ah ama xaas ahi waxa ay qabaneyso,iyada oo ay sidaasi tahay hadana xaga lacagta iyo Mushaharka ragoodu helaan Ayaa kala duwan oo ay ku kala tageen.Lacagta badan ee Biilku waa Mida Dumarka Dhaxalsiisey in ay iibsadaan Dhamaan qalabka u fududeeya Hawlaha Guriga,Halka mida kale gacanteeda ku qabsaneyso.Xulashada labada qof Ayaa ka qeyb qaadata sida qofku ugu qanci doono Wixii hadhow Masruufka u noqon doonaa.
Isku soo wada Duub,Biilka iyo Masruufka ama heynta ninku lama mid ah Nin kale,Haweenka Dhaqaalaha lihina Iyagaaba gurigooda ku filnaadey ama shaqo u soo baxey.Barakada iyo Tayaduna maaha in aad hesho wax badan ee waa inaad xitaa ku qanacsan tahay raalina ka noqota inta yar.Raga badan ee dayacey Masuuliyadii qoyskooda ka saarneyd ama Dhaqaale yari ku dileyna Waa Su,aal Jawaabteedu Garabkiisa ku qormeyso.Lacagta Jaadka maalinkasta lagu Cunaayana caruur iyo Haween ayaa u baahan aan waxba uga danbeyn.Hooyooy bisinka u qabo inta yar oo na gaadhsii.