Uncategorized

Qaab Fudud Oo Aad Dhabar Xanuunka Isaga Daaweyn Karto

iftineducation.com – Dadka da’doodu kor u dhaaftay 30 jir ayaa waayadan dambe ka cabanaya xanuunno cusub oo waliba aad usii faafaya, sida xanuun ay ka dareemaan dhabarka, qoorta iyo waliba garbaha.dhabar xanuun


Hadaba isaga oo xaalku sidaas yahay ayaa badiyaaba dadku marka ay dareemaan xanuunnadan ay sameeyaan laasimida ama jiifka furaashka, iyaga oo dhaqdhaqaaqa jidhkooda aad u yareeyanm.


Baadhitaan ballaadhan oo aynu ku samayay waxyaabaha keena xanuunkan iyo waliba siyaabooyinka la iskga daweeyo, waxayna u dhigan yihiin sidan:


Sababta ugu wayn ee dhibaatadan keenta ayaa waxa ay tahay muruqyada ku jira qaybahan jidhka qofka kamid ah oo is dhex gala, waxaana inta badan ay dhibaatadani ka dhalata fadhi badan, istaag badan ama jiif badan oo aan qaabkii loogu talo galay loo samayn, tusaale ahaan inuu qofku dul fadhiyo aalada computerka waqti dheer isaga oon wax raaxo ah qaadan ama dhaqdhaqaaq kale samayn, waxaana hubaal ah in qofku hadii uu qaabkan sameeyo dareeemi doono qoor xanuun waqti kastaba haku qaadatee, sidan waxa yidhi websiteka saldhigiisu ku yaallo wadanka Germany ee Gozenheit.


Waxa kale oo xanuunnada noocan ah sababa qabowga iyo hawada tooska ah ee ku dhacda meelahan jidhka kamid ah, taasi oo badiyaaba xanuunka hawadani meesha ka baxo muddo laba maalmood ah.


Hadaba dawada xanuunnadan ayaa waxa laga heli karaa goor kaste, iyada oon u baahnayn inaad wax lacag ah ku bixisid waqti fara badanna aan kaa qaadan doonin, waxaana ay tahay inaad kaliya ilaalisid qaabka aad u fadhiisanayso, taagantahay ama jiifsanayso, isla markaana aad naftaada siisid waqti ay nafisto oo ku filan si aad uga badbaadid dhibaatooyinkan caafimaad.


Waxa kale oo ay shabakadan caalamiga ahi intaasi ku dartay in diirimaadku uu muruqyada jidhka ku caawiyo nafiska, taasi oo iyaduna hordhac u ah xanuunnadan oo uu qofku ka badbaado, ama uu kaga tago xanuunkaniba.


Hadii ay xanuunnada noocan ahi qofka kusii waaraan muddo 3 bilood ka badan ayaa lagama maarmaan ay tahay inuu qofku aado dhakhtar ku xeel dheer cilmigaasi, waayo waxa suurto gal ah in ay isu badalaan roomatiisan.


Waxaa xusid mudan in wadanka Germany dadka shaqaalaha ah ee shaqooyinka ka maqnaadaa sababo xanuun awgood ay 3 qofba 2 uga maqnaado xanuunnadan awgood.





Source: Deutsche Welle Via Faaido