Uncategorized

Pope Francis oo Masjidka ku yaal Turkiga ku dhex tukaday: Video

iftineducation.com – Hoggaamiyaha Kaniisada Madhabta Catholica Pope Francis oo booqasho ku tegay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa muujiyay xushmada uu u haayo Diinta Islaamka, kadib markii uu booqday Masjidka ugu weyn Turkiga  Sultanahmet ee loo yaqaan Blue Mosque sabtidii, isagoo halkaasina ku oogay mid ka mid ah Salaada isagoo eegayay madaxiisa qiblada Mecca.


Pope Francis ayaa markii uu gelayay masjidka iska siibay kabaha, waxayna tallaabadani ay noqotay tii labaad ee uu sameeyo Hoggaamiye diinta Masiixiga ah, inta la og yahayna waxaa kaga horeeyay Pope Benedict sanadkii 2006.Pope Francis and Grand Mufti Yaran


Qaar ka tirsan dadka Islaamiyiinta Turkiga ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay arintan, halka qaarkood ay ku tilmaameen tallaabo muujineysa in Islaamka yahay nabad, qaarna wey kasoo horjeesteen in Baaderi diin Masiixi uu masjid ku tukado.


RIIX HALKAAN KA DAAWO