Uncategorized

Pakistan oo amar ku bixisay in la soo xiro wadaad diiday in uu canbareyo werar ka dhacay Magalada Peshawar

iftineducation.com – Wadaad imam ka ah masjid ku yaala wadanka Pakistaan,oo lagu magacaabo Imam Abdul Aziz,ayaa waxaa dowladda Pakistaan ay amar ku bixisay in lasoo xiro, kadib markii uu ka dega adeegay in uu canbaareeyo,werar ay ku dhinteen 152 ruux oo ka dhacay magaalada Bishwaar ee dalkaasi.


Mr Aziz,ayaa dhawaan waxaa uu sheegay,in madaxda Police-ka ay xiraan dadka aan waxba galabsan,ee ay ku tuhmaan dagaalyahanadda Taliban.


Bilowgii sanadkan,ayaa masjidka uu wadaadkaan uu ka yahay Iman-ka,ayaa Maktab ku yaala waxaa uu ugu magac daray hogaamiyaha Al Qaacida , Osama Bin Laden.


Imam Abdul Aziz,ayaa waxaa uu imam ka yahay masjid lagu naaneeso Misjidka Gaduudan,eek amid ah kuwa ugu qadiimisan ee ku yaala dalkaasi.


Dowlada ayaa wixii xiligaan ka danbeyay waxaa ay wadaadkaasi u aqonsatay in uu taageero kooxaha dagaalka kula jira dowlada Pakistaan.