Uncategorized

Obama Oo Cambaareeyay Shirka Sony Jawaabna ka bixiyay Weerarkii Internetka

iftineducation.com – Madaxweynaha Wadanka Mareykan ayaa Barack Obama ayaa Cambaareeyay Shirka Soo Saarta Filimada Hollywoodka Mareykanka ee SONY Pictures, waxa uuna meel ka dhac iyo gef ku tilmaamay hakintii ay hakisay soo bandhigista Filimka The Interview oo ah mid maaweelo iyo qosol ah oo lagu matalayaa rag suxufiyiin iska dhigaya oo ay sirdoonka Maraykanka CIA u dirayaan dalka Kuuriyada Waqooyi si ay u khaarajiyaan hogaamiyaha dalkaasi.


Madaxweyne Obama ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu jeedinayey khudbadda sannadka dhamaadkiisa uu jeediiyo, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in shirkadda Sony lafteedu ay khalad samaysay kaas oo ahaa inay joojiso baahinta filim majaajilo ahaa oo khiyaali ahaa, kana hadlayey khaarajin lagu samaynayo hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un,  taas oo keentay in dadka weerarka soo qaaday ay ku hanjabaan haddii la sii daayo inay weeraro kale geysanayaan.


Waxaa Filimkaas meelkadhac ku tilmaantey Kuuriyada Waqooyi, waxaana weerar lagu qaadey Kumbuyuutarada shirkadda Sony Pictures oo lagala baxay dhamaan macluumaadkii ku jirey, filmaan aan weli soo bixin iyo qoraalo kale oo xasaasi ah, Waxaana Hackers-ku ku hanjabeen in ay daabacayaan dhamaan waxay la baxeen haddaan la joojin Filimkaas.


Obama ayaa ballan qaadey in ay ka jawaabayaan weerarka Kunbuyuutarada ah ee Kuuriyada Waqooyi soo qaadey isla markaana difaacayaan danaha ganacsiga madaxa banaan.