Uncategorized

Ninkii Dhawaantan Fuliyay Weerarkii New York Oo Fariin Dhaxal Gal Ah Dadka Madowga Ah Kaga Tagay.

iftineducation.com – Police-ka magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay heleen fariin uu Internet-ka ku reebay Ismaaiyl oo ahaa ninka ka dambeeyay weerar dhawaantan magaaladas ka dhacay oo lagu qaarijiyay Askar katirsanaa Police-ka magaaladaas.




Ismaaiyl ayaa fariin uu u diray Police-ka magaalada New York ka hor inta aanu weerarka ku qaadin Askarta sheegay in dadka madowga ah ee xuquuqdooda lagu tuntay ay dhiigooda u huri doonaan.




Dhawaanahan waxaa magaalada New York ka socday banaan baxyo ay dhigayeen dadka Madowga ah ee dalkaas ku dhaqan, kuwaas oo ku qaylinayay in Police-ka ay dhiigooda, iyo xuquuqdooda ku tuntaan.








Waxaa siyaaba kala duwan dalka Mareykanka looggu dilay dad madow ah oo dalkaas u dhashay kuwaas oo Police-ka dalka Mareykanka ay  dileen, garsoorayaasha dalka Mareykanka ayaa sheegay in Police-ka fuliyay dilalkan aan wax dambi ah loo raacan Karin, dacwadna lagu soo oogi Karin taas oo dhalisay muujado dibad baxyo careysan ah.