Uncategorized

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu dilay Saxaraha dalka Masar

iftineducation.com – Warbaahinta Reer Galbeedka, ayaa qoreysa geerida nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu dilay dhulka Saxaraha ee dalka Masar.


Ninkaan oo lagu magacaabi jiray William Henderson, ayaa waxa uu u gacan galay Ururka Ansar Beit al-Maqdis, oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray Dowladda Khilaafada Islaamka ee ISIS, oo dadka qaarkii ay ugu yeeraan Daacish.


ISIS, ayaa bogga ay ku lee dahay Twitter-ka waxay ku shaacisay inay qudha ka jartay ninka u dhashay dalka Mareykanka, oo ka tirsanaa shirkadda shidaalka Apache ee dalka Masar.


Islaamiyiinta, ayaa sidoo kale Twitter-kooda ku shaaciyay basaboorkii Henderson iyo kaarkiisii aqoonsiga, ee xubinimadiisa shirkadda Apache.


Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaan weli xaqiijin geerida William Henderson, balse ay soconayaan dadaalo lagu xaqiijinaayo.


Henderson, ayaa ifka kaga tagey xaas iyo hablood oo ay u dhashay.