Uncategorized

Nin hubaysan oo dad ku qafaashay maqaayad ku taala Sydney

iftineducation.com – Wararka ka imanaaya dalka Australia waxaa ay sheegayaan in Booliiska dalkaasi ay isku gadaameen Maqaayad ku taala Sydney kadiib markii la sheegay in nin hubaysani uu dad ku dhexhaysto gudaha maqaayadda.


Mid ka mid ah dariishadaha maqaayadda ayaa laga taagay calanka taqxiidku ku qoran yahay ee ay caanka ku yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah waxaana dadki ku jiray gudaha maqaayadda la arkayay iyaga oo daaqadaha madaxa ku haya.


Raiisal wasaare Tony Abbot, raiisal wasaraha dalkaasi oo dadka kala hadlayay idaacadaha la iska arko ayaa u sheegay in shacabku is dejiyaan isla markaana aan la ogeyn ayuu yiri ujeedada uu leeyahay qofkaasi.


Booliiska Magaalada Sydney waxa kaloo ay baaritaan ka sameynayaan tiyaatarka ugu weyn halkaasi.