Uncategorized

Muwaadin u dhashay Dalka Canada oo gacanta u galay Kooxda Daacish.

iftineducation.com – Wasaarada Arimaha Dibada Ee dalka Canada ayaa sheegtay in ay baaritaano ku wado wararka sheegayo in gabar u dhalatay Dalka Canada ay gacacanta u gashay  kooxda Daacish.


Warka kasoo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in ay dabagalo xoogan ku hayaan dhamaan ilaha laga helay xogag la xiriiro qabsashada gabadha u dhalatay dalka Canada.


Gabadhaan ayaa waxaa horay u war uga qortay saaxafada Dalka Srael oo soo xiganeysay Baro internet oo lala xiriiriyo Kooxda ISIS waxaana la sheegay in gabadhaan ay kasoo tagtay Dalka Israel si ay ula dagaalanto kooxda iminka ay u gacan gashay ee ISIS.