Uncategorized

Muuqaalka Haweeney fulisay dilka Macallimad Mareykan ah

iftineducation.com – Dowladda Isu-taga Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigtay muuqaal fiidiyoow ah oo muujinaaya qaabka uu u dhacay dil ah oo loo geystay haweeney Macallimad Mareykan aheyd oo shalay qof dumar ah ay ku dishay mindi meel laga adeegto oo ku taal Abu Dhabi.


Wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Sheikh Saif Bin zayid Al Nahyan, wuxuu sheegay in howlgal ballaaran kadib lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo haweeneydii ka danbeysay dilka Macallimada, taasoo suuragelisay kaamirooyinka CCTV ee goobta ku xernaa.dil-abu-dhabi


Muuqaalkaan ayaa ka muuqda howlgalkii lagu baadi goobayay iyo qaabkii ay haweeneydan usoo gashay iyo sida loo qabtay. Lama oga sababta ay u dishay Macallimadan Mareykanka ah.


RIIX HALKAAN KA DAAWO