Uncategorized

Maxay Tahay Arrinta Ugu Weyn Ee Khal-Khalka Galinaysa Xiriirka Jaceyl Ee Knaan Iyo Lupita?

iftineducation.com – ageerayaasha aadka u jecel actor-ada Lupita Nyong’o ayaa dhawaantaan muujinaayay inay aad uga soo horjeedan inay la socoto oo xiriir jaceyl la sameeyso fanaanka Somaliga ah ee K’naan Warsame.


Mid ka mida tagaareyasheeda ayaa ka dhawaajiyay, ‘Saaxiibkeeda wuxuu ku fiicanyahay haweenka lasoo furay  ee garoobka ah sababtoo ah waa nin ciyaal wata maku haboona Lupita oo waqtigeeda ayuu luminaya.’ Mid kale ayaa ku daray ‘Waxey u baahantahay nin aan ilmo horay u dhalin.’


Dhanka kale tagaeerayasha fanaanka K’naan ayaan iyaguna ka gaabsan arinkaan waxayna ku tilmaameen in K’naan uu u qalmo haween ka qatarsan Lupita uuna yahay fanaan cadcad oona aad u caqli badan marki loo eego hadalkisa sidoo kalena uu yahay mid u olaleeya bulshada.


Fanaanka K’naan ayaa sanadkii 2010-kii furay Deeqa Gacal warsame oo ah gabar Soomaaliyeed, waxaana la sheegaya in sababta keentay furniinkaas uu isagu ka dambeeyay kadib markii xiriir hoose la sameeyay gabar kale oo aan magaceeda  la shaacin.